Wasiirada Cusub ee dhawaantan la magacaabay oo maanta xilalkooda loo dhaariyay.

Dhaar Wasiirro cusubWaxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay wasiirada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisinta, Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo Ganacsiga, kuwaas oo dhowaan uu magacaabay R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Dhaar Wasiirro cusub.jpg2Munaasabadda lagu dhaarinayay xubnaha wasiiradaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo R/wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar.

Dhaarinta ka dib ayaa Wasiirada cusub waxay la kulmeen R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Dhaar Wasiirro cusub.jpg1Afartii Bishaan ayay ahayd markii R/wasaare Khayre uu magacaabay Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha iyo Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: