Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed cabdulaahi farmaajo iyo Wafdi Balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE:
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa Goor-dhow ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul-goboleedka Puntland.
Madaxweyanaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garawe ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul-goboleedka Puntland, Odoyaasha Dhaqanka, Ardeyda wax ku barata Deegaankaasi iyo dadweyne aad u fara badan.
Sidoo kale soo dhaweynta Madaxweynuhu ayaa loo diyaar-garoobayey maalmihii la soo dhaafay, waxaana Magaaladaasi lagu xardhay calamo iyo caleemo qoyan, islmarkaana waxaa garoonka la dhigay Roogga Cas.
Magaalada Garowe Waddooyinkeeda waxaa lagu dhejiyey boorar uu ku yaalo Sawirka Madaxwynaha dalka oo halku dhigiisu yahay “mudane Madaxweyne ku soo dhowow dhulka Uduga Puntland iyo Danta,Dadka iyo Dalka, iyadoo Barxadda Garoowe oo ah halku ugu caansan Magaalada ayaa waxaa lagu suray layrar aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo inta uu Joogo Puntland wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaanadaasi.
SomaliSwiss     Garoowe
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.