Advertisements

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo Saakay dhagax dhigay Dugsiga Xaawo Taako ee degmada Xamar-Weyne G/Banaadir.

Xaawa-TaakoMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saakay dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

DugsiDugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loo bixiyay halyeeyaddii Xaawo-Taako, kaasi oo ahaa markaasi dugsi hoose dhexe, balse waxa uu ku burburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweynaha uu maanta dhagax dhigay dugsigaasi, kaasi oo looga gol leeyahay in la badiyo goobaha Waxbarashada, si kor loogu qaado tayada iyo tirada dugsiyada dalka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: