Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa looga diyaar garoobayaa soo dhowaynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo markisii ugu horaysa tegaya Puntland
Waxaa Jidadka magaalada Garoowe lagu dhejiyey boorar uu kuyaalo sawirka Madaxwynaha dalka oo halku dhigiisu yahay Mudane kusoo dhowow dhulka uduga Puntland’  Barxadda garoowe oo ah halku ugu caansan Caasimadda Dowlad goboleedka Puntland oo ku suran layrar casriya iyo Calanka Soomaaliya.
Sidoo kale Puntland oo ka mida dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa sidhow ula shaqaysa dowlada dhexe, waxaana Madaxweyne Farmaajo Garoowe ku sugaya Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaaso oo shalay ka soo laabtay Gaalkacyo.
Dhanka kale u diyaar garowga Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa guud ahaan deeganada Puntland, waxaana filayaa in Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu maalinada beri ah gaaro magaalada caasimada ah ee Garoowe.
SomaliSwiss         Garoowe
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.