Advertisements

Wasaarada Amniga oo shaacisay in Al-Shabaab fara badan Howlgalo lagu dilay, halka kuwo kalana dowladda isu soo dhiibeen.

afhayeenka W. Amniga.pngC/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa sharaxaad ka bixiyay tirada guud ee Xubnaha Al-Shabaab ee Isku soo Dhiibay Dowladda iyo kuwa lagu dilay Weerarada Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamada Maraykanka.

Afhayeenka ayaa Sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidanka gaarka ah Dowladda Maraykanka oo howlgalo Cirka iyo Dulka ah ay ku Dileen ugu yaraan 200-Dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kalena ay is nabad ah isku soo dhiibeen Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada Koofur Galbeed iyo Jubaland.

Wasaaradda ayaa faah-faahin ka bixiyey Howlo Xalay ay Ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen qaar ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir, isagoo sheegay Afhayeen Wasaaradda amniga inay gacanta ku dhigeen Hub iyo dambilayaal halis ku ahaa Amniga wadanka kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayey Xaafado gaar ah oo ciidamadu ku raad joogeen.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Xasilinta ay qabteen Kooxo Xalay gaadiid ka dhacay gudaha Muqdisho, islamarkaan ay Ciidamadu ku guuleysteen in Muddo 40-daqiiqo inay gacanta ku soo dhigaan gaadiidkaas oo ay dib ugu soo celiyeen Muwaadiniintii lahaa.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: