Ciidamada Jabuuti oo qabtay kooxihii Qaraxii Buula burde ka dambeeyay.

Ciidamada jabuutiWararka laga helaayo magaalada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay dad u qabteen qarax miino oo maanta ka dhacay Duleedka Bari ee Magaaladaasi,gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka diyaarada iyo Buula Burde.

Qaraxani oo ahaa nuuca dhulka lagu aaso ee loo yaqaano Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday Askari ka Tirsanaa Ciidamada AMISOM halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale Qaraxa kadib ayaa waxaa bilowday howlgalo ay sameeyeen ciidamada oo lagu baadi goobayay ragii falkaasi ka dambeyeey,waxana wararku ay sheegayaan in ilaa haatan ay ciidamadu qabteen ku Dhawaad 5-Ruux oo qaraxaasi lala xiriirinayo inay iyagu ka dambeeyeen.

 SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: