Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo Kormeer howleed ku maraya Deegaano ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliya.

Wasiirka Cusub QoorsheyntaWafdi uu hoggaaminayo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan ayaa maalmahan Kormeer ku maraya deegaano ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galayaan xaalada ay ku nool dadka ku sugan deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo hormarka ka jira.

Mudane Jamaal Xasan ayaa sheegay in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soo dhageystay Warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, iyadoo ka dibna u sii gudban Gobalka Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in xalay ay ku hoydeen Degamada Badhan halkaas oo ay kula kulmeen Maamulka, Odayaasha  iyo dadka deegaanka, waxayna soo kormeereen Mashaariicyo badan oo ka socda degmada.

Wasiir Jamaal ayaa dhinaca kale sheegay in maanta ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhahar halkaas oo ay kula soo kulmi doonaan Maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, iyagoo safarkoodana soo gaba gabeynaya Maalinta Beri ah safarkooda qaatay Afarta Maalin.

SomaliSwiss        Dadhan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: