Wafdigan oo uu horkacayay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), islamarkaana uu qeyb ka ahaa madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka, wasiirro ka tirsan Jubbaland iyo agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Baladxaawo.
Madaxdan oo ka ambabaxay magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho ayaa ka dagay degmada Doolow, ayagoo uga sii gudbay dhanka degmada Baladxaawo, halkaa oo ay maalmihii u danbeeyay ka taagnaayeen xiisado ka dhashay kadib markii dadka deegaanka ay ka mudaaharaadeen xad gudub ay sheegeen in Kenya ay ku sameeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka degmadaasi.
Masuuliyintan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyn doonaan muranka ka taagan soohdinta.
Wasiir arimaha gudaha dalka ayaa sheegay in ay Baladxaawo u yimaadeen in ay baaritaan ku sameeyaan xad gudbka la sheegay in Kenya ku sameeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.
Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa kulan uu shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay arrinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Guddiga ayaa aad walaac uga muujiyay arrintaasi oo uu sheegay in uu aad uga xunyihin, waxaana Guddiga uu sheegay in arintaasi loo saari doono Guddi xaqiiqa raadin ah oo soo uruuriya xogta rasmiga ah ee kiiskan la xiriirta
Dowladda Kenya ayaa mudooyinkii u danbeeyay xeydaab ka dhiseeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana cabirka xeydaabka uu soo galay sida ay sheegeen dadka degmada Baladxaawo soohdinta dhanka Soomaaliya, gaar ahaan dhismayaashii hore ee dowliga ahaa ee ku yaallay Baladxaawo.
SomaliSwiss   Balad-xaawa
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.