Advertisements

Shirkadda Dalkom oo daah furtay adeeg cusub oo la xiriira baahiyaha tecknoologiyadda

DALSATShirkadda Dalkom Soomaaliya oo horay dalka uga hirgelisey adeegga viber optiga ayaa waxa ay daahfurtay adeegyo cusub oo baahiyihii tecknoologiyadda SATLETka ay uga baahi tirayso .

DALSAT.jpg1Dalkom ayaa adeegyada cusub ugu magic dartay DALSAT. “waxaa adeegaani xallinayaa dhibaatooyinkii teknoolojiyadda ee dibadda loo doonan jirey” sidaasi waxaa yiri Maxamed Jaamac oo ah Maareeyaha shirkadda Dalkom Somalia

DALSAT: Waxaa laga heli karaa adeegyada dhinaca teknoolojiyada Satleytka ee dhinaca Internetka sida , Isku xirka xarumaha shirkadaha isgaarsiinta, Jaamacadaha, bangiyada iyo shirkadaha duulimaadyada goboladadalka oo dhan.

Waxaa kaloo laga heli karaa adeegyada DALSAT lalinta Warbaahinta oo idil Gaar ahaan tabinta TVyada tooska ah.

DALSAT waxaa uu shirkadaha soomaalida ka haqabtirayaa teknoolojiyada KEYDINTA macluumaadka gaarahaan xogaha Jaamacadaha , Shirkadaha Isgaarsiinta , Warbaahinta iyo Bangiyadaba

Maareeyaha shirkadda DALKOM SOMALIA  Maxamed Jaamac ayaa sheegay in adeegyadan heliddooda dhib lagala kulmi jirey qarash bandanna ku bixi jirey laakiin haatan laga heli karo isagoo jaban dalka gudihiisa.

Haddaba ciddii daneyneysa in ay si fudud u hesho INTERNET, si fududna u laliso warar amaba daneyneysa isku xirka xarumaha iyo kaydinta macaluumaadka waxay arrimaah oo dhan uga bogan kartaa DALSAT.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: