Advertisements

Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay 2.7 $ Malyan oo wax loogu qabanaayo Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jirta Somalia.

WM BeyleWasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta Saxiixay heshiis lacag gaaraysa Labo Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun ($2.7m) oo Dollar –ka Maraykanka ah oo wax looga qabanayo Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jirta gobolada dalka Soomaaliya.

WM Beyle.jpg1Heshiiskani Dhaqaalaha xambaarsan waxaa bixinaya hay’adda NRC oo kaashanaya Bangiga Aduunka, lacagtaasi ayaa waxaa looga Gol-leeyahay in wax looga qabto abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya iyo waliba Biyo la’aanta, waxaana ka faaideysan doona marka la hirgaliyo Bulsho badan oo u baahan kaalmadaasi.

Saxiixa Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxa Hey,adda N R C ayaa ku saleyysan Nidaamkii balanqaadka horey u dhexmaray Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya iyo hey,adda lacagata Aduunka IMF-ta, waxa uuna la xariiray howlaha Maaliyadeed ee ay Wasaraddu ku guuleeysatay.

Wasiirka Maaliyadda mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle waxaa uu faah faahin ka bixiyay meelaha muddan in wax looga qabto,wuxuuna si gaar ah u tilmamaay in Deegaanada Maamul-goboleedyada dalka ka jira wax loogu qaban doono,maadaama ay ka jiraan baahiyo badan.

Madaxa hey,adda NRC Barnabaa Asarg ayaa uga mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac.

Bashruuan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay maamusho Wasaarada Maaliyadda kaa oo loogu talagalay deegaanada Doowlad goboleedyada Dalka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: