Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku bixiyey baaritaan deg deg ah falkii lagu galay Guriga Cabdi Qeybdiid.

Formaajo.jpg11Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo falkii ay ciidamo ka tirsan dowlada ku galeen kuna baareen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Bogga Twitter -ka madaxweynaha ayaa  ku amray taliyaha ciidamada xoogga dalka General Cabdiweli Jaamac Gorod in cid walba oo ku lug yeelatana sharciga lala tiigsado.

Waxaa soconaya durbaba baaritaan lagu sameynayo ciddii ka dambeysay falka lagu galay mid ka mid ah guryaha uu degen yahay Senator Cabdi Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay dhacdadaas ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid laga xumaado, isaga oo intaa ku daray in ciidamda gudaha u galay Guriga ay geysteen Jir dil, Burbur hantiyeed iyo Alaabo laga qaatay. 

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: