Warar kala duwan ayaa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, kaas oo sheegaya in ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya, gudaha u galleen Guriga Senatar Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo ah guddoomiyaha Gudiga dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Nabad-sugida  oo wajiyada u duubnaayeen  gudaha u galleen Guriga Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku yaala beerta Jaadka ee Degmada Hodan, balse la soo sheegay in ciidamadaas ay ahaayeen ciidamo taabacsan dowladda Emaaraatka oo ay tababartay.
Ma jirin wax iska horimaad ah oo goobta ka dhacay ,waxaana la sheegay in si nabad-galyo ah ciidamada gudaha u galleen Guriga Senater –ka.
Howlgalkan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ay weerareen guri kuyaala Siyaasiga Cabraxmaan C/shakuur Warsame, waxaana howlgalkaasi lagu xiray Siyaasiga .
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga oo la xiriira baaritaanka la sheegay in ay ku sameeyeen guriga mas’uulkan oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya.
Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaan ciidamo ka tirsan dowladda ay ku sameeyeen Gurigiisa.
CabdiQeybdiid ayaa sheegay in falkaasi yahay mid loo dulqaadin karin, isaga oo intaa ku darray in ciidamada gudaha u gallay guriga sida uu hadalka u dhigey geyseen Jir dil iyo Burbur hantiyeed, waxaana uu intaa raaciyay in ay jiraan Alaabo laga qaatay Guriga.
‘’Waa wax laga xumaado in Aniga oo ah Xasaannad leh la baaro Gurigeyga ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya xili habeen ah weerar ku qaadeen Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame, waxaana weerarkaa ku dhintay Lix ka tirsan Ilaaladiisa.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.