Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo maanta Daah-furay xarunta maamulka hagidda Hawada Qaranka Soomaaliya.

Hagidda HawadaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi “Farmaajo” ayaa ka qeyb galaya munaasabada daah furka xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo hadda ka socota magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE:

Hagidda Hawada.jpg1Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Daah-furay xarunta Maamulka hagidda Hawada Soomaaliya,isagoona halkaasi ka jeedin doona khudbad taariikhi ah oo ka hadleysa muhiimadda ay leedahay soo wareejinta Hawada Soomaaliya iyo dadaalka Dowladda ay ku bixisay.

Hagidda Hawada.jpg4Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.

Kadib Madaxweynuhu wuxuu Kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat.

Hagidda Hawada.jpg5Sidoo kale, Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Hagidda Hawada.jpg3Hagidda Hawada.jpg2.jpgSomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: