Advertisements

Gaari Qaraxyo Sida oo Ku Soo Socday Muqdisho oo la duqeeyey.

Diyaarad dagaalWar qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday meel 25 Km dhinaca Galbeed uga toosan Caasimadda Soomaalia Muqdisho, taas oo lagu bartilmaameydsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Taliska howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in sidoo kale weerarkaasi ay ku dileen 4 kamid ah maleeshiyaadka Xagjirka ah ee Al Shabaab.

Warku wuxuu intaa ku daray in gaariga qaraxyada laga soo buuxiyay ee la burburiyay loogu talagay in lagu weeraro shacabka magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka hortageen kadib markii ay heleen xogta gaarigaasi.

sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in howlgalka lagu burburiyay gaariga lagu fuliyay diyaaradaha darooniska ee aan duuliyaha laheyn, inkastoo aan lagu caddeyn magaca goobta lagu bartilmaameydsaday.

Wixii ka dambeeyay markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu bishii March uu ku dhawaaqay kordhinta weerarada lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ee dhibaatada ka wada dalal ay Soomaaliya ku jirto, waxaana Diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen sanadkaan 2017 gudihiisa 35 weerar oo dhinaca Cirka ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: