Wasiiru dowlada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada oo sheegay in Soomaaliya ay si rasmi ula soo wareegtay Maamulka hagidda Hawada.

Qalqbka Hagidda HawadaWasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada C/raxmaan Kulmiye Xersi Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in Maalinta Beri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Soomaaliya.

Qalqbka Hagidda Hawada.jpg2.jpgWasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hada gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Qalqbka Hagidda Hawada.jpg1Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in la rakibay dhamaan qalabkii lagu shaqeyn lahaa, shaqaalo badan loo tababaro iyadoo Madaxda dalka ay kasoo qeyb gali doonaan Munaasabada Daah furka.

Wasiiru dowlada ayaa sheegay in talaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, waxayna wax badan ka bedeli doontaa Dhaqaalaha Soomaaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: