Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur oo weli Xeer Ilaalinta ku dheggan, mar kalena Maxkamada Racfaanka u yeertay.

Maxkamadda G. Banaadir.jpg2Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa ku wargalisay Xeer ilaalinta Soomaaliya in mar kale maalinta Berri ah dib leysugu soo laabto dhagysiga dacwada ka dhanka ah Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur,

Go’aanka maxkamada Racfaanka ay ka qaadatay Kiiska C/raxmaan Cabdishakuur ayaa imanaya xili 17kii bisha guddoonka maxkamada gobolka Banaadir dib xoriyadiisa u siisay Siyaasigan kaddib markii sida uu guddoomiyaha maxkamadu sheegay lagu waayay wax danbi ah.

Laakiin Kiiska ayaa hadda u muuqda mid waji kale yeeshay kaddib markii xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ku eedeeyay guddoonka maxkamada gobolka Banaadir in Kiiskan aan loo marin sifo sharci ah, isaga oo sheegay in uu Rafcaan ka qaadanayo.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: