Waxaa beryahanba socday Kulamo ay la yeelanayo gudiga doorashooyinka Qaranka iyo madaxda iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland ayaa ku qotoma hannaanka loo mari doono doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka 2020 ka.
Soomaaliya ayaa la filayaa in sanadka 2020 ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayadoo ay xusid mudantahay in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ay ka arimiyaan Maleeyshiyaadka Al-shabaab oo kasoo horjeeda dowladda.
Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaran Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim iyo wafdi ay horkaceeyso ayaa maanta soo gaaray Kismaayo, ayadoo garoonka ay kusoo dhaweeyeen madax ka tirsan Jubbaland.
“Ujeedada imaatinkeena Kismaayo waa mid ku saabsan sidii ay kulamo la tashi ah ula yeelan lahayn madaxda iyo bulshada rayidka ah, si aan uga talo gelinno arimo ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhici doona 2020,” ayay hadalkeeda raacisay.
Waxa ay sheegtay in bulshada ay la kulmi doonaan la weeydiin doono sida ay dalka uga dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo sida loo suurogelin karo arintaasi.
Shalay waxaa degmada Garbahaareey gaaray wafdi uu horkacayay gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka heer qaran, kuwaa oo gobolka Gedo ka wada kulamo la tashiyo ah oo ay la yeelanayaan madaxda Jubbaland ee gobolkaasi iyo ururrada bulshada rayidka ah.
SomaliSwiss Kismaayo
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.