Advertisements

Wasiirka Gaadiidka oo sheegay in Gabagabo ku dhawdahay la soo wareegida maamulka hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo  duulista.pngWasiirka Wasaaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Omaar ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guulaystay  inla soo wareegtay Maamulka Hawada Qaranka.

Wasiirka oo ku sugan dalka Canada, waxaana uu sheegay Labo todobaad kaddib in la soo wareejin doono Hawadda Soomaaliya oo hadda laga maamulo dalka Kenya.

Wasiir Omaar ayaa tilmaamay in 28-da bishaan la qaban doono munaasabad lagu soo bandhigaayo qalabka cusub ee hawadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda ay jiraan Shaqaallo Ajnabi oo ka sii howl bilaabi doono Muqdisho marka las oo wareejiyo, maadaama aysan jirin Shaqaalle Soomaaliyeed oo leh Aqoonta qalabkaasi.

Soo wareejinta Hawadda Soomaaliya ayuu ku timaamay Wasiir Omaar in ay tahay horumar weyn oo ay gaartay dowladda.

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo xooggan oo ku aadan soo gacan gelinta Hawadda Soomaaliya.

SomaliSwiss           Toronto

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: