Madaxweyne Farmaajo oo saldhiggii uu Turkigu dhisay tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka.

farmajo tababarMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta boqolaal ka mid ah ciidamada xoogga dalka tababar ugu soo xiray saldhigga uu Turkigu ka dhisay duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa mudo dhowr bilood ah waxa uu tababar uga socday saldhiggan cusub ee ay dowladda Turkiga wadada aada deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo tababarkan usoo xiray ciidamada ayaa waxaa ku wehlinayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya.

farmajo tababar.jpg1Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliayay tababarka ay siisay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee uu maanta tababarka u soo xirmay, waxa uuna ciidamada kula dar-daarmay in ay waajibkooda qaran gutaan.

Safiirka Turkiga u fadhiya SoomaaliyaĀ Oglan Bekar oo isna goobta ku sugnaa ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay waligeed caawin jirtay Soomaaliya isla markaana ay xoojin doonto kana qeyb qaadan doonto tababarka ciidamada Soomaaliya.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā  Ā Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: