Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa caafimaad dalka dibadiisa ah u diray gabar lagu magacaabo Faa’izo oo uu waxyeeleyay askari ka tirsan ciidamada badda Puntland.
Faa’iza ayaa askariga la sheegay in uu ku dayay fal kufis ah balse ay iska difaacday taas oo keentay in uu rasaas kaga dhufto qeybta hoose ee jirkeeda xili ay ku sugeyd magaalada Boosaaso.
Maanta ayaa ugu dambeyn waxa loo qaaday caafimaad dalka Turkiga ah oo uu gacan weyn ka geystay gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, wuxuuna ku sii sagootiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Faa’iza asyan wanagsaneyn in ay xiligaan soo gaartay balse uu rajeynayo in la geyn doono Isbitaalka ugu wanagsan, ummadda Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay u soo duceeyaan.
 Gabadhan ayaa waxaa safarka ku wehliyay hooyadeed iyo aabeheed.Â
Askarigii Faa’izo waxyeelada u geystay oo lagu magacaabo Cabduqaadir Warsame ayaa laga soo qabtay duleedka magaalada Kismaayo xilli uu halkaasi ku dhuumaaleysanayay, waxaana la geeyay magaalada Garoowe oo uu iminka ku xiran yahay.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.