Ra’iisal wasaare Kheyre oo soo Xiray Tarantankii kubadda Cagta maamul gobolleedyada.

Ciyaarta gobollada1.jpg6Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ugu danbeyntii soo gabagabeeyay Tartanka Kubadda Cagta maamul gobolleedyada oo ay ku guuleysteen Cayaartooydii ku cayaarayay magaca maamul gobolleedyada Jubbaland.

Ciyaarta gobollada1.jpg5Kooxda Kubadda Cagta Jubbaland ayaa 1-0 uga adkaatay Xiddigihii ku cayaarayay magaca maamulka Puntland, waxaana muuqata in Jubbaland  ka Aargoosatay Puntland oo sanadkii hore ka qaaday Koobka , waxaana maanta ay soo bandhigeen Ciyaar aad u wanaagsan.

Jubbaland ayaa Goolka dhalisay daqiiqadii 74aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markii garsooraha uu ku dhawaaqay seeriga inay dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa ciyaartooyda iyo taageerayaashooda ay bilaabeen dabaal dega.

Ciyaarta gobollada1.jpg7Ra’iisl wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Koobka guddoonsiiyay xulka Kubadda Cagta Jubbalanad, sidoo kalana waxaa la bixiyay abaalmarino kala duwan oo la siiyay cayaartooy ka tirsaneyd kooxihi ka qeybgalay tartanka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: