Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Maxkamadda G. Banaadir.jpg2Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa duhurnimadii maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaddib markii saakay maxkamaddu ay u fariisatay kiiskii loo heystay.

Maxkamadda G. BanaadirMaxkamada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, Xildhibaan Mahad Salaad, Xeer Ilaaliye ku xigeenka Qaranka Maxamed Xassan, goob joogayaal kale oo loo ogolaaday dhageysiga maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in wax dambi ah uusan laheyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur, islamarkaana xariggiisa aan loo marin Waaran Maxkamadeed.

Maxkamadda G. Banaadir.jpg1Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxamed Xassan ayaa dalbaday in kiiskan ay ka qaataan Racfaan, balse go’aankaas Maxkamadda ayaa ka diiday, waxaana ay sheegtay dacwadan in ay soo xirantay oo noqosho dambe aysan laheyn.

Xeer ilaalinta ayaa horay u dalbatay in muddo Shan Cisho ah la siiyo si ay u keenaan cadeymo ku filan hasse ahaatee Maxkamada ayaa taa ka diidday oo ka dalbatay muddo 24 Saac gudahooda ah ku keenaan cadeymaha.

Maxkamadda G. Banaadir.jpg3Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda u muuqda shaqsi xoriyadiisa dib u helay ayaa xalay waxaa dadaal ay sameeyeen qaar ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in gacanta dowladda laga soo wareejiyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo damaanad lagu sii daayay.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: