waxaa qeybo badan oo ka tirsan dalka looga dabaaldegayaa xuska 74-guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana Kismaayo ay kamid ahayd degmooyinka maanta looga dabaaldegay Xuska maalintaasi. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.
Munaasbadda xuska oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) , saraakiisha ciidanka BOoliska iyo taliyeyaasha ciidamada.
Sareyayaashii iyo sarakiishii ka qayb galay ayaa ku dhiiro galiyay booliska Soomaaliyeed waxqabadkooda, gaar ahaan booliska jubbaland oo ay sheegeen in shaqooyin muhiim ah ay ka qabteen Jubbaland.
Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka booliska soomaaliyeed ay yihiin lafdhabarta amniga iyo xasiloonida dalka isagoo intaa ku daray in Jubbaland mudadii ay dhisnayd ay Boolisku ka qabteen nabadgelyada degmooyinka xorta ah ee Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud ayaa ciidanka booliska Jubbaland ku amaanay horumarro uu sheegay in ay ka sameeyeen dhanka amniga isagoo intaa ku daray in Jubbaland ay xoogga saaartay sidii boolisku u heli lahaayeen aqoon kororsi, xarumo ay ku shaqeeyaan iyo agabkii ay isticmaali lahaayeen.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Kismaayo
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.