Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guuradii 74aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kheyre BooliskaRa’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay sannad-guurada 74-aad ee aas-aaska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Taliska iyo qeyaha ciidamadda Booliska munaasabadda 20-ka December awgeed. HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE.

Kheyre Booliska.jpg2Mudane Khayre waxuu tilmaamay muhiimadda ay ciidanka Booliska u leeyihiin Qaranka islamarkaana ku amaanay sida geesinimada leh ay u gudanayaan waajibaadkooda. Isagoo ubax dhigay taallo loo sameeyey askartii ku shahiiday falkii argagixiso ee dhowaan ka dhacay dugsiga tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.

Kheyre Booliska.jpg4“Waxaan hambalyo u dirayaa Taliska iyo heerarka kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan maanta u dabaal dagayno sanadguuradii 74-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa hooyadda dhammaan ciidammada kala duwan ee Soomaaliya leedahay”.Ayuu yiri RW Khayre.

Kheyre Booliska.jpg1.jpgRa’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Boolisku yahay halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, isagoo ugu baaqay inay laban laabaan waxqabadkooda, ayna feejignaadaan har iyo habeenba, si looga hortago dhagarta caddowga, loona baajiyo dhiiga shacabka oo ay kooxaha nabadiidku sida micno darida ah u daadinayaan.

Booliska Somalia.jpg4Waxaa goob joog ka ahaa munaasabadda xubno ka tirsan labada gole, gobolka Benaadir, saraakiil, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo halkaasina lagu soo bandhigey gaade ka ciyaar qurux badan oo sameynayeen ciidanku.

Booliska Somalia.jpg5Booliska SoomaaliyaSomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: