Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo hambalyo u diray dhammaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Qoysaskooda.

formaajo-jpg3Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan Sannad-Guuradii 74-aad tan iyo markii la Aas-aasay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku Amaanay Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo Amniga, wuxuuna sheegay in ay yihiin halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray ku soo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee Qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasse ahaatee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: