Sida la wada ogsoon yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxemed”Farmajo” ayaa si gaar ah iiga xilsaaray sidii xal loogu heli lahaa Muwaadiniinta Soomalida ah ee ku dhibaateysan dalka Liibiya.
Sidaas darteed Danjiraha wuxuu sheegay in  beriyahaanba ay kula jireen shirar muhiim ah Ururka Midowga Yurub, hay’ada Beesha Caalamka ee ku howlan arrimaha Socdaalka iyo Tahriibka (IOM), hay’ado kale ee Midowga Yurub u fuliya mashaariicda lagu daryeelayo Tahriibayaasha iyo Ururka Midowga Africa.
Waxaa hawshaas si wadajir ah igala shaqeeyey Danjire Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergeyga Gaarka ee Xakuumadda u Qaabilsan Xaquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha iyo Danjire Maxamed CaliNuur- Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Ethiopia iyo Midowga Africa.
Wada hadaladaas ka dib waxaa la isla afagartey arrimaha hoos ku xusan:
- In marka hore la hubsado, lana diiwan geliyo dhalinyarada Soomaliyeed meesha ay kaga sugan yihiin dalka Liibya.
- Waxaa dhamaan waalidiinta caruurtooda ku dhibaateysan dalkaas lala socods-iinaya inay u sheegaan caruurtooda ay u soo gudbaan qaybaha Libiya oo ay Dawladu gacanta ku heyso.
- In loo sheego qof kasta inuu iska diiwan geliyo IOM xafiisyadeeda ku yaal Liibiya.
- Qof kasta ee doonaaya inuu ku laabta wadankiisa hooyo (voluntary return) inay IOM u dhoofin doonta Muqdishu iyadoo safaarda Somaliya ee Belgium-kana u diyaarin doonta waraaqihii ay Dalkooda ugu noqon lahaayeen (Travel Documcnt).
 SomaliSwiss         Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.