Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah “lagu laayay xero boolis dhexdeeda”.
Wuxuu ka tacsiyeynayo dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Itoobiya.
Sida wararka ay sheegayaan, waxaa halkaasi lagu dilay “in ka badan 100 qof”, balse Ra’iisul wasaaraha ma uusan sheegin tirade rasmiga ah ee la dilay. Laakiin Hailemariam Desalegn wuxuu carabka ku adkeeyay in dhibaato badan ay ka dhacday goobta.
Wuxuu dhacdada ku tilmaamay “dil wadareed ka dhan ah dad shacab oo Soomaali ah”, kuwa dilka geystayna wuxuu ku tilmaamay dembiilayaal.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.
Sidoo kale. waxaa la shaacin doonaa sida dhibaatada ay u dhacday iyo dadka geystay, sida uu sheegay Hailemariam Desalegn, ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
In kastoo weli cabsi badan ay ka dhex jirto labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, hadana waxaa la geeyay ciidammo aad u badan meelaha ay rabshadaha ka dheceen.
Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah.
Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in markii dadkaas la laayay kaddib lagu riday meel god ah.
Mid ka mid ah dadka ka qaxay degmada Daaro Labbo ee Gobolka Jiro oo ka tirsan deegaanka Baali oo ah halka ay dhibaatada ka dhacday ayaa BBC u sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen dad boolisku isugu geeyeen xero ciidan, si aysan waxyeello u soo gaarin oo loo badbaadiyo.
SomaliSwiss         Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.