Wafdi uu hogaaminayo Madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka oo gaaray magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

UNHCR - KismaayoWafdi uu hogaaminayo madaxa hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR Filippo Grand oo ay qeyb ka ahaayeen Mudane Max’ed Cabdi Afeey oo hay’addaasi u qaabilsan arimaha qaxootiga iyo masuuliyiin kale ayaa madaxda Jubbaland kala hadlay arimo ku saabsan qoysaska dib ugu soo laabtay dalka ee mudada dheer qaxootiga ku ahaa Kenya.

UNHCR - Kismaayo.jpg1Masuuliyiinta ayaa isla soo qaaday sidii dadkaasi loo caawin lahaa islamarkaana goobaha la dajinayo loogu heli lahaa adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahanyihiin.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeeray goobaha loo dhisay dadka kasoo laabtay Dhadhaab ee ku sugan Kismaayo, ayagoo daahfuray xarun waxbarasho iyo Isbital laga hirgeliyay halkaasi. 

UNHCR - Kismaayo.jpg2SomaliSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: