Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Farmaajo-1132x670-640x427Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiligan wada hadalo kula leh xarunta Wasaaradda Gaadhaandhiga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Booqashada madaxweynaha ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa imaneysa xili dhawaan dowladda Mareykanku shaacisay in ay joojisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed waxaa warbixin lagu daabacay Reuters lagu sheegay in sababaha joojinta dhaqaalihii la sii jiray ciidamada xoogga dalka lala xiriirinayo musuq maasuq iyo wax is dabmarin.

Laakiin Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shir jaraa’id qabtay ayaa tallaabada uu Mareykanku qaaday tahay mid dowladda la ogeyd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore u booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo bil ka hor uu tagay xaruntaas.

SomaliSwiss              Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: