Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay dib u dayactirka iyo qalabeynta dugsiyada Waxbarashada magaalada Muqdisho.

Gobolka Benaadir iyo UNHCR 2Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Benaadir , ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa daah furay dib u dayactirka iyo qalabeynta dugsiyada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale kor-u-qaadista adeegyada waxbarashada ee caasimada Muqdisho.

Gobolka Benaadir  iyo UNHCR.jpgHay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo maamulka gobolka Benaadir ayaa mashruucan iska kaashanaya.

“Ujeedkeennu waa in ugu yaraan hal iskuul oo dowladeed laga helaa degmo kasta si carruurteennu u helaan waxbarasho lacag la’aan ah oo tayo leh. Waa arrin naga go’an inaan u istaagno carruurteena, waana maalgashi xooggan oo muujinaya isla xisaabtan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee mashruuca waa in dayactirka shan dugsi hoose iyo xarun tababar xirfadeed oo ay ka faa’ideysanayaan ilaa 10 kun oo carruur ah si loo hor mariyo nolosha qaxootiga dalka ku soo laabanaya, Barakacayaasha iyo dadka noloshoodu hooseeyso oo fursado loogu abuuro.

Gobolka Benaadir iyo UNHCR 1Mashruuca waxa uu maalgelin ku sameynayaa xirfadleyda gudaha oo ay ku jiraan Injineerada shaqaalaha dhismaha si fursado shaqo loogu abuuro. Mashruuca waxa uu ka qeyb qaadanayaa dib udhiska caasimadda iyo hagaajinta muuqaalka magaalada Muqdisho.

Marka laga soo tago faa’idooyinka uu mashruucu u leeyahay shaqaalaha xirfadleyda ah waxaa horay loo shaqaaleeysiiyay 1000 (kun) dhallinyaro ah oo kamid ah qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay oo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Benaadir.

SomaliSwiss              Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: