Wasaaradda Amniga xukuumadda Somaaliya ayaa goor dhaw war ka soo saartay xariga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo weerarkii xalay ciidamada dowladda ay ku qaadeen Hoygiisa.
Warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in in hey’adaha amniga iyo xeer ilaalinta ay maalmahan wadeen baaris dambiyo lagu tuhunsan yahay muwaadiniin, kaasoo ku aadan falal dambiyeed qiyaano qaran, khal khal gelin iyo bur burin.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim ayaa saxaafada u akhriyay war saxaafadeedka, ayaa sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu si cad uga horyimid ruqsadii loo heystay in gurigiisa la baaro inuu ka soo horjeestay, isla markaana ciidankii ilaalada u ahaa ay bilaabeen rasaasta,
Waxaa uu sheegay in isagoo bad qaba C/raxmaan C/shakuur ay ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen, sidoo kale ay hey’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aamisan yahay inay ka qeyb weyn ka qaadan doonto baaritaanka.
Warsaxaafadeedka Hay’adaha Amniga wuxuu u qornaa Sidatan;
Sida la wada ogsoon yahay hay’adaha Amniga iyo Xeer Illaalinta waxey maalmahan wadeen baaris danbiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu tuhunsanyahay fal dambiyeedyo Qiyaano Qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaamka dowladnimada. Waxaa reeban in muwaadin uu u adeego dano shisheeye oo ka soo horjeeda jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.
Hay’adaha amniga iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah iyo awaamir ka soo baxday hay’adaha sharciga ah, ayaa xalay abaarihii 11.30 habeenimo ayey guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyada kor ku xusan ayaa markii hay’adaha amniga tageen gurigaas muwaadiniintii guriga joogtay u hoggaansami waayeen awaamiirtii aheyd in la baaro iyadoo la waday warqadii ruqsada baarista iyo horgeynta sharciga.
Guriga ayaa waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ahaa shaqsigii ruqsada loo soo qaatay uuna si cad uga horyimid awaamiirtii hay’adaha amniga, ka dibna ay ciidankii illaalada u ahaa ay rasaas ku bilaabeen ciidanka amniga. Bacdamaa uu muwaadinkan diiday inuu u hoggaansamo awaamiirta hay’adaha sharciga kalana horyimid dagaal hubeysan ayey ciidamadu ku guuleysteen isagoo bad qaba ay gacanta ku soo dhigeen. Sidoo kale waxay hay’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aaminsanyahay inay qeyb weyn ka qaadan doonto baarista iyadoo sharciga waafaqsan.
Tallaabadaas oo hay’adaha amniga u mareen si waafaqsan shuruucda dalka iyadoo la fulinayey awaamiirtii hay’adaha sharciga. Muwaadin walba waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo sharciga, mana jiro cid ka sareysa sharciga, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xad-gudub qaanuuneed iyo inuu ka dhasho fal danbiyeed.
Sidaas daraadeed, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo sharci-fulinta, iyadoo Dowladda Federaalka ay dammaanad qaadeyso xaquuqda muwaadin kasta uu siiyey dastuurka iyo shuruucda dalka. Muwaadinkan waxuu helayaa baaris hufan waxaana la horgeynayaa maxkamada awooda u leh oo uu ka heli doono caddaalad.
Ugu danbeyntii, shacabka Soomaaliyeed, waxaa loogu baaqayaa inay kaalin ka qaataan amniga iyo nabadeynta kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni. Muwaadin kasta waxaa waajib ka saaran yahay inuu danta guud ee dalka uu ka horumariyo danihiisa gaar-gaarka ah.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.