Advertisements

Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay madaxa hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobey

kheyre Qaxootiga.jpg1Ra’iisal wasaaraha dowladda Soomaaliya  ayaa wuxuu maanta la kulmay madaxa hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobey Mr. Filippo Grandi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho., kulankaas oo ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda.

kheyre QaxootigaRa’iisal wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey madaxa Qaxootiga caalamka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee barakacay sanadihii ay dalka ka jirtay colaaddu, isagoo xusay xiligan oo dalku soo hagaagayo in dawladdu diyaar u tahay wixii macquul ah ee sahlaya dib-u-soo noqoshada dadka qaxootiga ah.

“Soomaaliya diyaar ayay u tahay in ay Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta Qaxootiga Soomaalida, waana u mahad celinayaa dawladihii marti-geliyey dadkeena waqtigii adkaa ee la soo maray”.ayuu yiri Khayre.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxa Qaxootiga Adduunka ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Hay’adda u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa sidoo kale kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo maalinta Berri ahna booqan doonaan magaalada Kismaayo ee dawlad-gobolleedka Jubaland.   

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: