Wasiirka Wasaaradda Difaaca dowladda Soomaaliya iyo Saraaakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Saraakiishaan ayaa muddo waxaa uu tababar uga socday dalka Uganda, waxaana ugu dambeyntii ay dalkaasi kasoo ka xeeyay Wasiirka Difaaca Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Difaaca dowladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamaddaan cusub ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadaan tirooda ay gaareyso 55 Sarkaal, wuxuuna u mahad celiyey Dowladda Uganda oo si weyn uga qeyb qaadata tababaradda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , waxaana xusid mudan inta badan Saraakiisha ciidamada in lagu soo tababaray dalkaasi.
SomaliSwiss         Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.