Kooxda k. Cagta Jubbaland oo u soo banbaxday wareegga 2aad ee tartanka dowlad goboleedyada.

C. K. JubbalandCiyaartooyada xulalka kubadda cagta Jubbaland iyo Galmudug ayaa maanta wada ciyaartay cayaartii ugu danbeeysay ee (Group-ka A), waxaana cayaartii dhexmartay labada koox ay ahayd mid soo jiidatay dareenka dadkii daawanayay, maadaama labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar wanaagsan.

C. K. Jubbaland.jpg1Waxaa Daqiiqadihii hore ee qeybta 1-aad ee cayaarta ayay Jubbaland la hormartay Gool, balse inta aysan dhammaan qeybta 1-aad ayay Galmudug keentay gooshii Barbaraha.

Qeybtii 1-aad ayaa lagu kala nastay 1-1, waxaana cayaarta qeybteedii danbe ay noqotay mid ka adag qeybtii hore, ayadoo cayaartooyda xulka kubadda cagta Jubbaland ay u suurogashay in ay gool dhaliyaan daqiiqadihii ugu danbeeyay ee cayaarta, waxaan guusha ay sidaa ku raacday cayaartooydii xulka kubadda cagta Jubbaland.

Guusha ay gaareen cayaartooyda Jubbaland ay u suurogelisay in ay u gudbaan wareegga labaad ee tartanka, waxaana Group-ka A- kasoo baxay Jubbaland iyo Banaadir. halka Group-ka B ay kasoo baxeen Koonfur Galbeed iyo Puntland.

SomaliSwiss         Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: