Dowladda Canada ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ugu deeqeyso Lacag gaareyso 10.4 Million oo Doolar, taas oo loogu talagay in wax looga qabto xaladda Bani’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.
Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qaxootiga ee Canada Mudane Axmed Xuseen oo ku hadlayay Afka Marie-Claude oo ah Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Caalamiga ah ee Dalkaasi Canada ayaa ku dhawaaqay in Dowladda Canada ay Lacagtaasi ugu deeqeyso Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirkaa ayaa xusay in Lacagtaasi loo kala qoondeyn doono hay’adaha WFP, UNICEF, UNDP iyo Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Mareykanka ee ARC, iyagoono ku bixin doona meelaha baahiyaha ugu daran ay ka jiraan Soomaaliya.
Dowladda Canada waxay sidoo kale sheegtay in ay soo dhawayneyso dadaalada Nabadeynta ah ka socda Soomaaliya, islamarkaana ay had iyo jeer garab taagnaan doonto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
SomaliSwiss        Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.