Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Qaraxii ka dhacay dugsiga Tababarka Booliiska ee Gen Kaahiye Muqdisho.

Al-shabaab.jpg7Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday qof Ismiidaamiye ah oo saakay ka dhacay Dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo laga maqlay inta badan degmooyinka iyo Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay dhimashada tiro ka badan 10 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska goobta ku sugnaa waqtiga uu Qaraxu dhacay.

Askari ka mid ahaa ciidamada Booliiska oo goobta joogay oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu arkay dhimashada 7 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Afhayeenka u hadlay  Al-shabaab oo lagu magacaabo  Cabdicasiis Abu –Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu ka danbeeyay qof iyaga ka tirsanaa oo bartilmaameesaday ciidamo Booliis ah.

Abu-muscab ayaa intaa ku daray in ay dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay Gen Kaahiye.

Madaxa Amin Ambulances Abdikadir Abdirahman ayaa sheegay in ay qaadeen meydadka 13 ruux iyo dhimashada 15 kale oo ka mid ahaa ciidamadii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Al-shabaab ayaa weerarada Ismiidaaminta ah marar badan oo ka geystay magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka, waxaana ugu weynaa qaraxii 14kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe oo la sheegay in ay ku dhinteen 512 ruux, inkastoo Al-shabaab aysan sheegan mas’uuliyada qaraxaas

Ciidamada la bartilmaameedsaday ayaa la sheegay in ay u diyaar garoobayeen 20 December oo ku beegan Aas Aaska ciidamada Booliiska Soomaliyeed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: