Advertisements

Madaxa Ciidamada Mareynkanka ee Africa oo amray in markale baaritaan cusub lagu sameeyo weerarkii Bariire.

USA ArmyMadaxa Ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Bariire hadii ay jiraan dad rayid ah oo lagu dilay.

Weerarka deegaanka Bariire lagu qaaday ayaa si wada jir ah waxaa u fuliyay Ciidamo Mareynkanka oo ku sugan Soomaaliya iyo Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya.

Col. Marka Cheadle,oo ah Afhayeenka Ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegay in Gen. Thomas Waldhauser uu weydiistay Adeega Baarista Danbiyada Badda iney raadiyaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii Ciidamo Soomaali oo kaashanaya Ciidamada fuliya howlgalada gaarka ah ee Mareynkanka ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Go’aankaan ayaa ku soo aadaya,xilli labo todobaad ka dib,war ay Ciidamada Mareynkanka ee Africa ay soo saareen ay ku beeniyeen in weerarkii Bariire lagu qaaday lagu dilay dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruur.

Mr. Cheadle,ayaa sheegay in Waldhauser uu codsaday arintaan markii uu arkay in dadka deegaanka Bariire ay ku adkeysanayaan in weerarkii 25-August lagu dilay dad shacab ah oo waliba u badan Beeraley.

Weerarkii Bariire ayaa lagu dilay 10-Qof oo u badan shacab ka dib weerar ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Mareynkanka ee Soomaaliya ku sugan iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkaan shaaciyay iney kordhinayaan weerarada Malitari ee ka dhan ah Al-Shabaabka Soomaaliya,waxaana weerar dhowr oo dhanka ah cirka oo Mareynkanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya lagu dilay Saraakiil muhiim u ahaa Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

SomaliSwiss       Pentagon

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: