Ciidan la Tababaray.jpg3Abaanduulaha  Taakuleynta Taliska  Ciidanka xoogga dalka Soomaalieed Sarreeye Guuto Bile Maxamed Aadan iyo  Abaanduulaha Qeybta 12ka April ahna Madaxa howl gelinta qeybtaas Sarreeye Guuto Maxamuud Macalin Koronto, ayaa maanta Magaaladda Muqdisho tababar ugu soo xiray Saraakiil  ka tirsan Qeybta 12ka April.

Ciidan la Tababaray.jpg2Saraakiishan, ayaa la baray muddii tababarka u socday Isticmaal isgaarsiinta Casriga ah iyo qaabka loo fuliyo Howlgalada gaarka ah, waxaana tababarkaan bixinayey Midowga Yurub.

Gen Bile iyo Gen Koronto oo la hadlay Saraakiishaasi, ayaa kula dardaarmay inay la yimaadaan howlkarnimo, islamarkaana aqoontii ay barteen ay uga faa’iideeyaan Ciidanka, iyaggoo ugu baaqay inay dhexda u xirtaan siddii dalka looga xoreyn lahaa Kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: