Advertisements

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyeen Miisaaniyadda Dowlada ee sanadka 2018ka.

Baarlamaanka.JPG5Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya waxaa maanta shir guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudeey, waxaana Xildhibaanada ay ansixiyeen Miisaaniyadda Dowlada ee sanadka 2018.

162-Xildhibaan ayaa ogolaatay Miisaaniyadda dowlada ee 2018, halka uu diiday Hal Xildhibaan Midna uu ka aamusay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale  Beyle ayaa kaga mahad celiyay dhamaan xubnaha golaha shacabka ee meel mariyay Miisaaniyadda, wuxuuna ku tilmaamay Talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Qaraar uu soo diyaariyay Guddiga arimaha dibada ee Baarlamaanka oo ku aadanaa Cambaareynta go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: