Midawga Yurub oo ka soo hor-jeestay go’aanka Trump

yurub iyo yuhuudaUrurka Midowga Yurub ayaa ku gacan seyray dalabka ah in Quddus loo aqoonsado in ay noqonto caasimada Israa’iil, kaddib go’aankii dhawaan uu arrintaan ka qaatay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Madaxa Siyaasada Midowga Yurub Federica  ayaa hadalka ka sheegtay kaddib  kulan ay la qaadatay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo doonayay in EU ay taageerto go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimaddooda.

Dhanka kale, kulan ay wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub kula qaateen magaalada Brussels R/wasaaraha wadanka Israel Benjamin Netanyahu ayay ku cadeeyeen siday uga soo horjeedaan talaabadii Maraykanku ugu aqoonsadey qudus caasimadda israaill.

Federica Mugherini  oo ah madaxa siyaasada midawga yurub  ayaa sheegtey in midawga Yurub sii wadi doonaa in uu ku guuleysto xalinta labada dawladood,” Waa wakhtigii  ay bilaabaan lahaayeen  wadahadal nabadeed oo u dhexeeya Israel iyo Falastiin, xal kaliya oo macquul ah waa in la aqoonsado laba dawladood oo Qudus  la yiraahdo caasimadooda.”.

 

 

Waddanka Maraykanka ayaa ku baaqay degenaansho Bariga Dhexe iyo dejinta geeddi-socodka nabadda, halka wasiirrada arimaha dibadda  Midowga Yurub ay si adag uga soo horjeesteen dalab uga yimi R/wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu kaas oo ahaa inay qudus u aqoonsadaan caasimada israaiil

Aqalka cad ee maraykanka ayaa sheegay in uu sii wadayo geeddi socodka nabada bariga dhexe isla markaana ku baaqayo in la dajiyo xaalada

Dhanka kale, kulan ay wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub kula qaateen magaalada Brussels R/wasaaraha wadanka Israel Benjamin Netanyahu ayay ku cadeeyeen siday uga soo horjeedaan talaabadii Maraykanku ugu aqoonsadey qudus caasimadda israaill.

Intii uu socday shirkani waxa barxada hore ee goobta shirku ka socday banaan bax looga soo horjeedo booqashada Netanyahu ku joogo magaalada Brussels dadka banaan baxayay oo ku dhawaaqayay in midawga yurub goaan adag ka qaato arinta Israel isla markaana Israel joojiso deegaamaynta ay ka wada dhulka falastiiniyiinta

Markii uu ku dhaqaaqey Donald trump qudus inay tahay caasimada Israel waxa isa soo taraya banaan baxayada ka dhacayay dunida oo dhan sidoo kalana waxa isku dhacyo ka bilaabmeen daanta galbeed iyo Gaza kuwaasoo u dhexeeya falastiiniyiinta iyo Israel

Dhanka kale qaramada midoobey ayaa ugu baaqay ciidamada Israel in ay dhawraan dadka falastiiniyiinta ah ee mudaharaadaya

Bisha cas ee falastiin ayaa sheegtey in 166 falastiiniyiina ku dhaawacmeen iska hor imaadka

SomaliSwiss           Brüssels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: