Mudane
Antonio Guterres oo ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aanka maamulka madaxwayne Trump ay Qudus ugu aqoonsadeen caasimada Israa’iil ay tahay mid aan nabada gobolka u waanagsanayn,isagoo ka digay in arintaasi ay ka dhalankarto awaaqib xumo.
Wuxuu sheegay Mr Guterres in arintani ay wiiqeyso hanaankii geedi socodka Nabadda ee Bariga Dhexe,ee Falastiin iyo Israel,waxaana hadalkani uu jeediayaay mar uu u waramayaya Televeshinka CNN ee laga leeyahay Dalka Mareykanka.
Hadalkan ka soo baxay Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterress ayaa imaanaya iyadoo dhamaan hoggaamiyaasha Muslimiinta ee Caalamka iyo kuwa kale oo ee Reer Galbeedku ay siweyn uga horyimaadeen go’aanka Trmp.
Dowladaha qaarkood ayaa diyaariyay ciidamo ay ugu magic dareen xoreynta Magaalada Karakaysan ee Qudus,Dwoladda Malaysia aya la sheegay in ay diyaarisay ciidamo gaar ah oo loogu magic daray Difaaca Qudus,taasi oo ku dareensiinaysa in carada qy muujiyaan shucuubta Islaamka ee Dunida ay  sii kordhayso.
SomaliSwiss     New York
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.