Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maantay dalka dib ugu soo nabad-noqday.

Formaajo oo ku soo laabtay dalka.jpg1Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Barqadnimadii maantay dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee dalka Masar.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan golayaasha baarlamaanka iyo wasiirada.

Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo ka qeyb-galay Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista Iskaashiga ganacsiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo maalmo ka hor hadal ka jeediyay shirka ayaa waxaa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afric ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: