Advertisements

Dowladda Masar oo soo gaarsiisay Soomaaliya gargaar deeq daawo ah.

Deeq MasarDiyaarad kuwa  Mileteriga ah oo ka timid dalka Masar, islamarkaana siday deeq daawo ah oo gaareysa 5-tan ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE.

Deeq Masar.jpg1Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qunsulka Safaaradda Masar kala wareegay deeqdani waxaana goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo madax kale.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud ayaa uga mahad celiyay Dowlada Masar deeqda ay soo gaarsiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo la wareegay deeqadni daawada ah oo gaareysa 5-tan ayaa goobta ka sheegay  in daawadani la geyn doono goobaha loogu tala galay.

Deeq Masar.jpg2Dowladda Masar ayaa ka mid ah Dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, islamarkaana door muuqda ka qaadata hormarinta arrimaha aas aasiga u ah bulshada, sida waxbarashada caafimadka iyo qaar kale oo badan.

 SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: