Advertisements

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Faransiiska

KoofiAgaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka faransiiska ayaa la kulmay agaasimaha socdaalka dalka Faransiiska, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen kusimaha safiirka ahna qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ku leedahey dalka Faransiiska iyo madax kale.

Gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi iyo dhigiisa Faransiiska ayaa ka wada  hadley iskaashiga dhinaca arrimaha socdaalka, isdhaafsiga khibradaha iyo Baasaboorka Soomaaliya, isaga oo agaasimuhu ku wareejiyey saraakiisha Faransiiska tusaalaha baasaboorka Soomaaliya (Specimen).

Labada dhinac ayaa isla gartey in ay yeeshaan kulamo joogto ah iyo kuwo sanadle ah, islamarkaana la iska kaashado arrimaha la xariira socdaalada iyo jinsiyadda.

 SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: