Advertisements

Tartankii Cayaaraha gobollada oo ka furay Muqdisho iyo Kooxaha Kubada Cagta Banaadir oo 2-1 kaga badisay Jubbaland.

Cjyaaraha GobolladaWaxaa goor dhaw ka furmay Garoonka Kubada Cagta Banaadir stadium Cayaaraha Maamul gobolleedyada, waxaana lagu furay cayaarta ugu horeysay kooxaha Kubada Cagta Banaadir iyo Jubbaland.

Ciyaarta gobollada1Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa daah furtay waxaana xiligan soconaya cayaar xiiso leh oo dhaxmareysa cayaartooyda Banaadir iyo Jubbaland.

Sida uu Weriyheena inoo soo tebiyey in Kulankii ugu horreeyey ay goor dhaweyd ku soo idlaatay Garoonka Banaadir Stadium Cayaar xiiso badan oo dhaxmartay labada Kooxood ee Banaadir iyo Jubaland oo ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Xidiga Gobolka Banaadir.

Dawaashada Cayaartan oo aheyd mid aad u xiiso badneyd waxaa ka qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Sidoo kale waxaa Garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolleedka Jubaland.

Cayaartooyda Jubaland inkastoo ay dhaliyeen 1 Gool oo kaliya, haddana waxaa ay soo bandhigeen Cayaar heerkeedu sareeyo, waxaa jiray wararo is daba joog ah oo mar walba ay ku qaadayeen Goolka Kooxda Gobolka Banaadir.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in ay is arkaan Kooxaha Hirshabeelle iyo Koofur galbeed oo yeelan doona kulan siweyn loo wada sugayo.

Madaxda maamulada ka qeybgalaya tartanka ayaa kulamo la qaatay Cayaartooyda ku mataleysa Tartanka, waxaana ay madaxdu kula dardaarmeen kooxaha in ay muujiyaan cayaar wanaag.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: