Wasiirka Wasaarada Amniga Soomaaliya oo ka qayb-galay shirka shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL).

Shirka Boliiska Caalamiga ah.jpg1 Wasiirka Wasaarada Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa ka  qayb-galaya shirka shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) oo looga hadlayay la dagaalanka ka ganacsiga dadka iyo tahriibka.

Shirka Boliiska Caalamiga ahShirka ayaa  ka dhacay magaalada Doxa ee caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii bisha December, waxaana ka soo qayb galay wufuud ka socotay dhamaan dalalka caalamka.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay wasiirka maamulka Horumarinta shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar,  waxayna labada dhinac ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa xiriirka INTERPOLKA iyo sida shaqooyin iyo tababar loogu samayn karo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa qayb ka ah dadka dhibaatooyinka kala kulma Tahriibka, Waxaana shirkan kusoo beegmayaa Xili dhowaan ay siwayn usoo shaac baxday dhibaatooyinka baaxada ee dadka mujaajiriinta ah loogu gaysanayo dalka Liibiya.

SomaliSwiss             Doxa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: