Advertisements

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya………….

Al-shabaab.jpg8Maleeshiyaad ka tirsanaa argaggixisada Al-Shabaab oo wata gaari nooca Cabdibilaha loo yaqaano ah ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, kuwaasi oo ka soo cararay howlagallada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka sida uu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow.

“Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab, waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda, waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof, waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor, way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” Ayuu yiri guddoomiyaha degmada Diinsoor  Maxmed Nuur Shikshigow.

Maleeshiyaadkani ayaa ka soo tagay deegaan lagu magacaabo Carabow oo qayaastii 154 KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan arggagixisada Shabaab.

Isa soo dhiibitaanka iyo kala cararka maleeshiyada Shabaab ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii xoogaysanayaan howlgallada dalka looga sifeynayo Alshabaab, kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka oo kaaashanaya AMISOM iyo saaxiibada caalamka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: