Advertisements

Dowladda Britain oo si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya.

Maraakiib dagaal.jpg3Dowladda Britain ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya.

Munaasabad lagu qabtay Markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Badda ee dowlada Talyaniga oo ku sugan xeebaha dalka Djibouti ay dowladda Britain kula wareegtay xilkaasi

Hoggaanka Ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa horay u hayay ciidamada badda ee dowladda Talyaniga, iyadoo taliyihii xilkaasi wareejiyay uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ay xeebaha Soomaaliya ka soo qabteen ilaa 6 burcad badeed ah oo ay ka qabteen agagaarka xeebaha Puntland.

Wuxuu sheegay in si aad ah hoos ugu dhaceen weeraradii kooxaha Burcad badeeda ay ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

6-biloodba mar ayaa hogaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena waxa la wareega mid ka mid ah dowladaha Midowga Yurub ee ay ciidamadu ka joagaan xeebaha Soomaalia.

Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si KMG ah uga caawiya Wadamada Midowga Yurub,waxaana hadda Dowladda dadaal ku bixineysaa sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Badda Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amaanka Xeebaha dalka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: