Advertisements

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ugu mahadceliyey dawladda Mareykanka Taageerada iyo mashaariicda horumarineed uu siiyey Soomaaliya.

Kheyre.jpg5Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyey Taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya, kaddib heshiis horumarineed oo ay kala saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku kacayaa lacag dhan $ 300 Milyan oo Dollar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiskan in uu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay Taageeradooda aan shuruudu ku xirnayn.

“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaari doonto dalka oo dhan.

“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’ado shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Khayre.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: