Dhammaan hoggaamiyeyaasha Wadamada Carabta oo si toos ah uga digay Madaxweyne Trump cawaaqib xummada ka dhalan karta aqoonsiga Qudus.

QudusMadaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa lagu waddo in uu ka hadlo go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus, dhinaca kale Wadamada Carabta ayaa waxaa soo baxaya digniinno arrintaa ku saabsan oo loo dirayo madaxweynaha.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Tiro Hoggaamiyeyaasha Carabta ah ayaa dhammaan madaxweyne Trump uga digay si toos ah wax ay u arkaan cawaaqib xummo ka dhalata tallaabadan.

Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah oo la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah ka dhalan karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Dowlada Turkiga ayaa dhinaceeda  ku hanjabtay inay u goynayso xiriirka  diblamaasi dowlada Israel haddii uu Trump u aqoonsado Qudus caasimada  Israel.

SomaliSwiss       Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: